Madaxweyne Biixi Oo Soo Bandhigay Tirada Mashaariic Xukuumaddiisu ka Fulisay gobolka Sool

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay tirade mashaariicda xukuumaddiisu ka fulisay gobolka Sool muddadii uu hoggaaminayey talada dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Goleyaasha sharci-dejinta, waxa uu sababaha dhaliyey dagaalka Laascaanood iyo ujeeddadiisa ka sokow khudbadiisa ku soo qaatay mashaariico kala duwan oo xukuumaddiisu ka fulisay Gobolka Sool.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inay xukuumaddiisu gobolka Sool ka fulisay mashriicda ugu tirade badan ee gobollada dalka la fuliyey intii u dhaxaysay 2018-dii ilaa 2022-kii.

Madaxweynaha oo qodob-qodob u soo qaatay mashaariicda gobolka laga fuliyey, waxa hadalkiisa ka mid ahaa:- “Intaanan u gudbin xaaladda maanta ee Magaaladda Laascaanood waxaan idinla socodsiinayaa in muddadii ay xukuumadaydu xilkan haysay ay dadaal badan u gashay sidii loo horumarin lahaa Gobolka Sool, waxaana wax-badan laga qabtay dhinacyada biyaha, waxbarashada, caafimaadka iy adeegyada kale ee loo fidiyo muwaadiniinta.

Ceelasha; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga qoday Gobolka Sool 28 Ceel oo dhaadheer.

CEELASHA LAGA QODAY GOBOLKA SOOL 2018 – 2022

SN Goobta Cida Fulisay  Gobolka Sanadka  Nooca Mashruuca

1 Ceelka Qoriley  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

2 Ceelka Dhumey Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

3 Ceelka Xidhxidh Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

4 Ceelka Saaxdheer  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)

5 Ceelka Kalabaydh Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

6 Ceelka Bali hadhac 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

7 Ceelka Bali hadhac 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

8 Ceelka Dhabansaar Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

9 Ceelka Shululux  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

10 Ceelka Goljano  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

11 Ceelka Guumays  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

12 Ceelka Guumays  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2022 Ceel dheer (Riig)

13 Ceelka Yagoori 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

14 Ceelka Yagoori 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

15 Ceelka Yagoori 3 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

16 Ceelka Yagoori 4 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)

17 Ceelka Canjiid  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2020 Ceel dheer (Riig)

18 Ceelka Tuulo Samakaab Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

19 Ceelka Lafaweyne  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

20 Ceelka Awrboogays 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)

21 Ceelka Awrboogays 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

22 Ceelka Sarmaanyo 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

23 Ceelka Xuddun 1 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2020 Ceel dheer (Riig)

24 Ceelka Xuddun 2 Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

25 Ceelka Adhicadeeye  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

26 Ceelka Geel caseeye  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2018 Ceel dheer (Riig)

27 Ceelka Dharkayn geeyo  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

28 Ceelka Kacaya  Wasaarada  Biyaha  G.Sool  Sanadkii 2019 Ceel dheer (Riig)

Caafimaadka; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga dhisay Cusbitaalka Maanka, Ballaadhinta Cusbitaalka Laascaanood. Waxa kale oo la dhisay xarumo caafimaad oo tiradoodu tahay 56 Xarumood, isla markaana waxa loo iibiyey 6 Gaadhi oo ah gaadiidka gurmadka degdeg ah, kuwaas oo kala ah:

SN Goobta Cida Fulisay  Gobolka Tirada

1 Cusbitaalka Gobolka  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  1

2 Cusbitaalka Maanka  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  1

3 Cisbitaalada Degmooyinka  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  3

4 Xarun Caafimaad Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  36

5 Caafimaadka Aasaasiga ah  Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  17

6 Ambulance Wasaaradda  Caafimaadka Gobolka Sool  6

Waxbarashada; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxay Gobolka Sool ka dhistay dhismayaal waxbarasho, isla markaana waxay dayactirtay dhismayaal hore u jiray. Guud ahaan dhismayaasha cusub iyo kuwa la dayactiray waxay dhan yihiin 19.

SN Magaca Dugsiga Demada Dugsi Cusub Tirada Fasalada

1 Yaaheel Laascaanood Dugsi Cusub 3 Fasal iyo 2 Xafiis

2 Caaroole Taleex Dugsi Cusub 2 Fasal iyo 2 Xafiis

3 Horyaal KG Laascaanood Dugsi Cusub 3 Fasal iyo 1 Xafiis

4 Goljano Primary Laascaanood Qololka gabdhaha ee cusub 2

5 Carrooley Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli   1

6 Tuka-raq Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli   2

7 God-aale Laascaanood Hool Qalabaysan 4 Suuli   1

8 Laascaanood (New) Laascaanood Dugsi Cusub 9

9 Abyan Laascaanood Kordhin  2

10 Manhal Laascaanood Kordhin  2

11 Godaalo Taleex Kordhin  4

12 Karin Dabayl Weyn Laascaanood Kordhin  2

13 Lafa-weyne Laascaanood Kordhin  2

14 Hoyga Laascaanood Laascaanood Kordhin  2

15 Macalin Jaamac Laascaanood Kordhin  2

16 Xuddun  Xuddun Kordhin  2

17 Kalabaydh  Laascaanood Hoolka shirarka  1

18 Xargaga Laascaanood Kordhin  2

19 Sarmaayo  Laascaanood  Kordhin  2

Mashaariicda Wadooyinka ee la Hirgaliyey

SN Faahfaahinta

1 Laamiga Madaarka Magaalada Laascaanood 5Km

2 Laamiga Dhakhtarka Weyn ilaa Kantaroolka  4Km

3 Laamiga Fayo ilaa Dahabshiil 1.5 Km

4 Laamiga Telesom ilaa Kantaroolkii hore 3 Km

5 Laamiga Argada Royal ilaa Qudhacda 400 M

6 Laamiga Masjid Jaamaca Laascaanood 3 Km

7 Laamiga Yagoori Cadhootay ilaa Dhakhtarka 500 M

8 Laamiga Iskoyska Manhal ilaa Dugsiga Muuse Yuusuf

9 Waddada Xargaga

10 Wadada isku xidha Laascaanood ilaa Kalabaydh 32 Km oo caro kaawo ah.

11 Dayactirka Laamiga Adhi-cadeeyo ilaa Tuulo Samakaab

12 Dayactirka Jidka Laamiga ah ee Dhex Mara Magaalada Laascaanood

Dhismayaasha; Muddadii xukuumaddu xilkan haysay waxa laga dhisay Gobolka Sool dhismayaal dawladeed oo kala duwan, kuwaas oo dhan 31 dhisme oo kala ah.

SN Dhismayaasha

1 Dhismaha Xarunta Maamulka Gobolka Sool

2 Dhismaha Madaxtooyada Laascaanood

3 Dhismaha Baanka Laascaanood ee Socday.

4 Dhismaha Xarunta Ciidanka Dabdamiska Qaran ee Laascaanood

5 Xarunta Ciidanka Birmadka ee Laascaanood

6 Mashruuca Qorshaha Nashqadeynta Malaagada Laascaanood (Master Plan)

7 Dhamaystirka iyo Dayactirka Garoonka Cabdi Bile Cabdi

8 Mashruuca Biyo Xidheenka Widh widh

9 Dhismaha Korodhka Jaamacada Laascaanood

10 Dhismaha Saldhiga Farxaskule

11 Dhismaha Wasaaradda Xanaanada Xoolka iyo Horumarinta Kaluumaysiga ee Laascaanood

12 Dhismaha Maxadka Tababarka Diiniga ah ee Laascaanood

13 Hirgalinta Mashruuca GPLG ee Dawladda Hoose ee Laascaanood.

14 Dhismaha Boodhinka Laascaanood

15 Dhismaha Xarunta Gawraca Xoolaha ee Laascaanood

16 Dhismaha Godka Khashinka Laascaanood.

17 Xarunta Neersariga Cagaarinta Laascaanood

18 Mashruuca Soolarta Degmada Samakaab

19 Sameynta (5) Shan Barkadood Dhumay iyo Daba-taag.

20 Dayactirka Saldhiga iyo Dawladda Hoose ee Degmada Yagoori.

21 Mishiinka Kaydinta Oxygen-ta ee Laascaanood

22 Dhismaha Guriga Kaydinta Daawada

23 Dhismaha Guriga Calafka Xoolaha ee laga fuliyey Dalyare, Siindhoob iyo ooda-gooye

24 Dhismaha Xafiisyada Dekedda Qalalan ee Ganbadha.

25 Cashuur Dhaaf loo Sameeyey 655 Gaadhi ee Gobolka Sool

26 Dhismaha Saldhiga Taleex

27 Dhismaha Xafiiska Gobolka Taleex

28 Dhismaha Xafiiska Degmada Taleex

29 Dhismaha Dhaamka Taleex

30 Dugsiga Farsamada Adhi Cadeeye

31 Dhismaha Saldhiga Booliska Sarmaayo.