Madaxweyne Biixi oo Sharxay Qodobbo uu hordhigay, kana wada-hadleen Madaxweynaha Kenya

 

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha uu kala hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenya oo ay shalay iyo maantaba kulan ku yeesheen qasriga madaxtooyada ee dalkaas.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad casho-sharaf ah oo Raysal-wasaarihii hore ee dalka Kenya Rail Odinga, waxa uu ugu horeyn madaxweynaha Kenya uga mahad-celiyey marti-qaadka uu u fidiyey oo uu ku tilmaamay mid ka  tarjumaya xidhiidh soo-jireen ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Advertisement

“Ugu horayn waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya His Excellency Uhuru Kenyatta, marti-qaadkii uu u fidiyey aniga iyo waftiga ila socda, oo ka turjumaaya taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Kenya iyo mustaqbal wanaaga ay labada dal doonayaan inay ka wada tashadaan oo uu ka turjumaayo marti-qaadkaasi.

Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa shacabka Kenya madaxda, Dawladda Madaxweynaha iyo waayo arragga siyaasiga ah e ee Raisal Wasaarihii hore ee Kenya imikana ah u qeyb sanaha midowga Africa u qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo runtii abaal weyn ku leh Somaliland, fagaare walbana si badheedha uga taageera qaddiyada Somaliland dhammantoodba waan u mahadnaqayaa.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaan u mahadnaqayaa caawa His Excellency Raila Odinga Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya oo nagu marti-qaaday cashadan inuu sameeyo oo dadkan isugu yeeshay, xaflada halkan nagu casuumayna waa taariikh gaara oo aanu aad iyo aad uga mahadnaqayno inta kasoo qeyb gashayna waan u mahadnaqayaa dhammaantood.

Waxaan ku darayaa mahadnaqa waftigii noogu yimi Somaliland ee uu hoggaaminayey Xildhibaan Maxamed iyo waftigii la socday sidii cadayd ee ay noogu warameen heerka ay ka taagan tahay Kenya in mustaqbalka Somaliland iyo Kenya wax wada qabsadaan oo ay xagga wanaaga nabada iyo horumarka u dhaqaaqaan, iyagoo leh taariikh iyo nidaam isku mid ah oo hore u jiray inuu ka dhaxeeyey Manhajka waxbarashada, sharciga luuqada ay wax ku baranayaan iyo dhaqan ahaanba ay ka midaysnaayeen in maantana mustaqbalka dib loo wada qaado aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa gaar ahaan Xildhibaan Maxamed hawshaa uu ka geystay isu soo dhaweynta labada dalna waan ka mahadnaqaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha uu hordhigay ee ay ka wada-hadleen madaxweynaha Kenya, waxa uu yidhi, “Wada hadalkayagii Madaxweynaha Kenya waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu ahaa mid run aanu isu sheegnay , xaaladaha si waaqici ah u eegnay labadayada dal dantooda, danta Geeska Africa iyo dhibaatooyinka jira sida loo xalinaayo iyo mustaqbalka inaanu noqono madax African ah oo dalkooda mustaqbalka uga fikirta sidii ay u gaadhi lahaayeen Caalamka ee ay dhibaatada uga bixi lahaayeen, waxaanu isla taabanay Afrikada bari in shanta qeybood ee Africa inay iyadu ugu shaqaaqo badan tahay oo ay ugu dagaalo badan tahay oo sidaa darteed dhalinyaradeedu ugu shaqo la’aan badan tahay oo dhibaatooyinku aad ugu badan yihiin, waxaa nasiib wanaaga Kenya iyadu Geeska Africa noqonayso ta ugu nasiib badan ee horumar samaysay intay xorta ahayd dhaqaale ahaan, aqoon ahaan, siyaasad ahaan dalka qudha ee intuu uu xorta ahaa aanu ka dhicin inqilaab milateri, mid baa mar laysku dayey wuu fashilmay taasi ayaa horumarisay, iyada iyo Jabuuti uun baa ka nabad-galay, labaduba waxay sameeyeen dhaqaale iyo deganaansho horumaray.”

“Haddii ilaahay yidhaahdo Somaliland waxaanu doonaynaa mustaqbalka danbe inay waligeed nabad ahaato, qalalaase siyaasadeed aanu ka dhicin dhibaatadii aanu xalino si aanu u gudno wakhtigii naga lumay oo aanu mustaqbal deg deg ah u samayno, inaanu waayo aragaa Kenya leedahay iska kaashano oo aanu horumar u wada samayno dhinaca dhaqaalaha, diblumaasiyada, amniga iyo wax wada qabsiga guud ahaan rajana waxaan ku qabaa dhawaan muddo gaaban dhexdeed in la arki doono midhaha shirkaasi kasoo baxa haddii Alle yidhaahdo.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On