Madaxweyne Biixi oo shaaciyey sababo ka hor-taagan inuu Haweenka siiyo Sedkii ay Xukuumaddiisa ku lahaayeen

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay xukuumaddiisu difaacayso Xorriyadda iyo Ganacsiyada ay leeyihiin haweenka reer Somaliland oo uu sheegay inuu garab taagan yahay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in dumarku ku dulman yihiin dhaqanka Soomaalida, madaxweyne ahaanna uu awoodi kari waayey inuu xukuumaddiisa ka siiyo saamigii ay ku lahaayeen cadaadis xagga bulshada ka jira awgeed.

”Dumarku way ku dulmanyihin marka aynu wax maamulayno, dhaqankeenu wali hablaha wuu riixayaa, sedkii ay ku lahaayeen xukuumaddayda waan ka siin kari waayay waayo umadda ayaa igaga hortimid, qaar badan oo is-dhisay oo mutacalimiin ah ayaa jooga oo mudnaanta ragga la siiyo, lama siiyo,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey munaasibad qalin-jebin ah oo loo qabtay arday ka aflaxday Jaamacadda Edna Adan University ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay jiraan haween badan oo dedaalay, kuwaas oo uu sheegay inuu ku garab-istaagayo dedaalka ay muujiyeen oo tusaale ugu soo qaatay Dr Edna Aadan Ismaaciil, waxaanu yidhi, “Waxa soo baxay hablo badan oo reer Somaliland ah oo mashruucyo badan oo ganacsigu ka mid yahay samaystay, waxa soo baxday oo la dareemayaa in uu raggu hablaha ka garbinayo xataa in ay soo galaan baayac-mushtarka. Halkan waxaan u imid in aan isgarab taago oo waajibku ifarayo oo dastuurku i farayo”.

“Hablaha iyo raggu way u siman yihiin sharciga, caafimaadka, baayacmushtarka, tacliinta iyo xorriyadda. Hadday danbi galaan, qaranka ayaa xaq u leh in uu qabto, sida inanku danbi u galo ayuunbay inantuna u gali kartaa, maaha nin suuqa jooga in uu yidhaahdo anigaa danbiga ka jaranaya; oo raggaba kuma dhacee, ma hablaha loosoo qoslayaa?! Waar hablaha waan difaacaynaa,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net