Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Xiisad ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag iyo Tallaabooyin la qaadayo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xiisad ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag kaddib markii ay maanta Isku dhaceen Ciidamada Qaranka iyo Malleeshiyaad uu hoggaamiyo Korneyl Caarre oo maalmihii u dambeeyey waan-waan iyo wada-hadallo u socdeen xukuumadda.

 

Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay madal ay saddexda Xisbi-Qaran iyo xukuumaddu heshiis kaga gaadheen khilaaf ka jiray qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo loo muddeeyey dhammaadka sannadkan, waxa uu sheegay in isku-dhaca maanta dhex-maray Ciidanka iyo malleeshiyaadkaasi ay ahayd arrin aan la filayn, balse sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjari doono.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dorraad hadal ka jeediyey madal lagu daah-furay Dahabshiil Motors, ayaa bulshada ugu bushaareeyey inay ka seexdaan wer-werka ka taagan xiisadda Colaadeed ee gobolka Sanaag iyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Korneyl Caare oo uu sheegay in arrintooda si dhakhso leh loo soo afjari doono.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA MADAXWEYNAHA