Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Khasaare ka dhashay Roobabkii Caawa, soona kormeeray Goobaha Khasaaruhu Ka Dhacay (Muuqaal + SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobab mahiigaan ah oo caawa ka da’ay dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa, waxaana inta la ogyahay roobabkaas ku geeriyooday shan qof oo isugu jira 4 rag ah iyo haweenay, halka ay sagaal kalena ku dhaawacmeen.

 

Madaxweynuhu waxa uu caweysinkii caawa kormeer ku tegay goobaha khasaaruhu ka dhacay, isagoo kormeer ku soo indho-indheeyey guud ahaan waxyeelada magaalada roobku gaadhsiiyey.

Madaxweyne Biixi waxa uu tacsi u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen Shanta Marxuum ee geeriyooday.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA MADAXWEYNAHA IYO KORMEERKA UU SAMEEYEY