Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Geerida Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoyska, qaraabada iyo Ehelka uu ka baxay ka tacsiyeeyey Marxuum Mustafe Faarax Abraar oo xilka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Axmed Maxamed Siilaanyo, kaas oo maanta ku geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Marxuum Mustafe Faarax

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka soo qayb-qaatay dhismaha iyo horumarka dalka, waxaanu Eebbe uga baryey naxariistiisa Janno inuu ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Advertisement

War kooban oo xambaarsan dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray oo madaxtooyadu baahisay, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Faarax Dhoore oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 01/05/2020, magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka, kana mid ahaa muwaadiniintii ka soo qayb-qaatay horumarka dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka oo uu ugu danbeeyey wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu u diray Marxuumka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Advertisement