Madaxweyne Biixi oo ka Fal-celiyey Guuxa Wada-hadallada Soomaaliya iyo Madax-dhaqameed Isu-cumaamaday

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Qaran ee loo jideeyey dhammaystirka muranka siyaasadeed iyo Arrimaha isaga xidhan ee u dhexeeya Soomaaliya oo uu sheegay in tallaabada kaliya ee lagu dhammaystiri karaa tahay wada-hadal dhexmara labada dhinac.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey kulan maanta ku qabsoomay madaxtooyada, waxa uu  jawaab ka bixiyey hadallo ay warbaahinta ka sheegeen qaar ka mid ah madax-dhaqameedka dalka oo soo jeediyey in laga qayb-geliyo wada-hadallada Soomaaliya, waxaanu sheegay in arrintaas tahaay arrin siyaasadeed sidaas awgeed ay masuuliyaddaasi saaran tahay cidda bulshadu u igmatay inay u metelaan aayo-ka-talinta marajaha siyaasadeed ee dalka.

“Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad IGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq”.

Madaxweynuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka dalka, “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo  suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net