Madaxweyne Biixi oo isbar-bardhigay Fursadaha Nololeed ee Shacabka Somaliland iyo Kuwa Jabuuti

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Jabuuti oo uu kaga soo baxay socdaal dhinaca dhulka ah oo uu xuduudka labada waddan kaga soo tallaabay, isagoo madaxweynuhu safarkiisa ku soo maray deegaamo ka tirsan gobollada Selal, Awdal, Gabiley iyo Maroodijeex.

Madaxweyne Biixi iyo weftiga la socda ayaa ka hor intii aanay soo gaadhin caasimadda, waxa siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyey deegaamada ay soo mareen, waxaana ka mid ah meelaha weftiga lagu soo dhaweeyey ee madaxweynuhu khudbadda ka jeediyey degmada Agabbar oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka iyo shacabka degmada Agabbar kala hadlay oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey munaasibad soo-dhaweyn ah oo weftiga madaxweynaha lagu qaabilay.

Madaxweyne Biixi waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay oo isbarbardhig ku sameeyey fursadaha dhinacyada adeegyada bulshada iyo Horumarka ah ee ay is-dheer yihiin Shacabka labada waddan ee Jabuuti iyo Somaliland. Waxa kale oo uu Md Biixi ka hadlay marxalado kala duwan oo xukuumaddiisu soo martay muddadii saddexda sanno ahayd ee ay talada dalka haysay, wax-qabadyada ay ku guulaysteen ee u hirgalay iyo qorsheyaasha wax-qabad ee horyaalla.

Khudbadda madaxweyne Biixi oo xambaarsayd weedho isugu jira hoga-tusaalayn, duur-xul iyo Dhiirri-gelin, waxa kale oo uu kaga hadlay doorka looga baahan yahay inay shacabku ka qaataan horumarka dalka iyo awoodda xukuumadda ee dhammaystirka ballaan-qaadyadii xisbiga Kulmiye u sameeyey shacabka.

Haddaba, Muuqaalka Hoose kaga Bogo Khudbadda madaxweyne Biixi ka jeediyey degmada Agabbar ee gobolka Gabiley.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net