Madaxweyne Biixi Oo Duleedka Buuhoodle Ka Diray Farriin Cadowga Somaliland Taabatay

Qorilugud (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiidaha Buuhoodle, ayaa khudbad xambaarsan dhiirrigelin, bogaadin iyo dardaaran u jeediyey Ciidamada, waxaanu halkaas uga ballan-qaaday inaanay xukuumaddiisu waxba ka hakran doonin dhismaha iyo tayeynta ciidanka Qaranka.

Madaxweyne Biixi uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay difaacista qaranimada iyo fidinta maammulka oo uu xusay inay si deg-deg ah u gaadhsiin doonaan Xuduuudaha Somaliland.

Follow us On