Madaxweyne Biixi oo Duco iyo Hambalyo u diray Shacabka Somaliland

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda idamka Allah.

Advertisement

“Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka saf-mareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa, Illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul-qaado,” ayuu madaxweynuhu ku duceeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarrada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka. Waxaanu madaxweynuhu rabi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement