Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Cusbitaalka ku Booqday Askar ku dhaawacantay Shil baabuur

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka Cisbitaalka Guud ee caasimada Hargeysa ku booqday dhaawacii shalay ku dhawacmay shilkii baabuur ee ka dhacay agagaarka tuuladda Haleeya ee bariga Hargeysa, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof halka 25 xubnood oo Boolis ahina ku dhaawacmeen labadaas baabuur ee isku dhacay.

dhaawaca (4)Madaxweynuhu waxa uu saaka qof-qof u soo booqday dhaawaca ku sugan Cisbitalka Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray waadhadhka ay ku sugan yihiin dhaawacyadii shilkaasi isaga oo soo arkay 4 askari oo iyaga ay xaaladoodu aad u culus tahay oo kuwaas oo ku sugnaa qolka gargaarka deg-dega ah ee cisbitaalka.

dhaawaca (3)Ka dib madaxweynuhu waxa uu ku soo laabtay Qasriga madaxtooyada isaga oo lug ku yimid xafiiskiisa madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

dhaawaca (2)NINKA UGU CULUS DHAAWAMadaxweynaha Waxa booqashadiisa ku wehelinayay  Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Masuuliyiin kale.

dhaawacaMID KA MIDA 4TA UGU CULUS DHAAWAAdhaawaca (5)Shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa, ayey ku dhinteen shan qof oo laba Shicib yihiin iyo dhaawaca 25 Askari kuwaas oo ka soo laabtay Hawl-gal ay muddo laba bilood ah ugu maqnaayeen magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Shilkan ayaa ku yimi ka dib markii ay isku dhaceen Gaadhi ay ciidamadu saarnaayeen iyo Gaadhi Shacab oo Xamuul ah kuwaas oo isku duqeeyey deegaanka Halleeya ee Bariga Caasimadda Hargeysa.

MID KA MIDA 4TA UGU CULUS DHAAWA7

SOMALILANDPOST.NET