Madaxweyne Afrikaan Ah Oo La Waayay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay

(SL.Post) Madaxweynaha waddanka Malawi Peter Mutharika ayaan wali la hayn meel uu ku sugan yahay oo rasmi ah oo laga war hayo kadib markii la waayay tan iyo 25-kii Bishii hore ee September oo uu u safray waddanka Maraykanka isaga oo ka qayb galayay Kulankii madaxweynayaasha adduunka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee Magaalada New York isaga oo wakhtigaasi khudbad ka jeediyey fadhi-weynaha Qaramada Midoobay balse maalintaasi uu khudbadda jeediyey kadib la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

index

Madaxweyne Peter Mutharika ayaan la hayn laga soo bilaabo 25-kii September illaa dorraad oo ay Bishan Oktoobat 11 ahayd oo ah markii warkan si cad shaaca looga qaaday in aan la hayn Madaxweyne Peter Mutharika lana ogayn rasmi ahaan meesha uu joogo. Werwer iyo su’aalo la iska waydiinayo xaaladda Madaxweynahooda ayaa ka taagan caasimadda waddanka Malawi ee Lilongwe, waxaana la arkayay shacabka dalkaasi Malawi oo waddooyinka koox koox u taagan sidoo kalena wax iska waydiinaya xaaladda ugu dambaysay ee Madaxweynahooda oo xukuumaddu si cad u sheegtay in aanay Madaxwenaha ka war hayn wax xidhiidh ahna laga hayn tan iyo maalintii uu khudbadda ka jeediyey fadhiga loo dhan yahay ee Kulanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ah maalintii rasmi ahaan muuqaalkiisa ugu war dambaysan iyada oo wixii intaa ka dambeeyey aan la ogayn meel uu ku sugan yahay Madaxweynihii dalkaasi.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Foreign Policy oo arrintan la yaabka leh wax ka qoray, Madaxweyne Peter Mutharika ayaa xidhiidhkii laga hayay go’ay oo aan la ogayn meel uu wakhtigan ku sugan yahay taasi oo walaac ku abuurtay dawladda dalkiisa iyo shacabkiisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa jira oo kale oo la isla dhex marayo caasimadda waddanka Malawi oo sheegaya in Madaxweynaha dalkaasi Peter Mutharika oo da’diisu tahay 76 sano jir, dalkiisana xukumayay tan iyo sannadkii 2014 uu la il daran yahay xanuun culus oo aad u khatar badan kaasi oo si qarsoodi ah oo aan saxaafadda iyo cid kale toona loo ogolayn loogu daawaynayo gudaha dalka Maraykanka balse wararkaasi lama xaqiijin karo sida wargeyska warkan aan ka soo xiganay sheegayo.

Maalinimadii Isniintii ee wiiggan oo ahayd markii rasmi ahaan xukuumadda dalkaasi Malawi ay shaaca uga qaaday in aan la ogayn meel uu joogo Madaxweynihii dalku waxa ay shacabka dalkaasi Malawi baraha xidhiidhka bulshada si weyn wax isaga waydiinayaan xaaladda uu ku sugan yahay Madaxweynahoodii Peter Mutharika. War-saxaafadeed xukuumaddu soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in dhammaan masuuliyiintii la socday Madaxweynuhu ay dalka ku soo laabteen balse aan illaa imika la ogayn meel uu ku sugan yahay isagii iyo laba xubnood oo qoyskiisa ka mid ahi. Dawladda Malawi waxa ay sheegtay in Madaxweynuhu waftigiisa amar ku siiyey in ay dalka ku laabtaan maalmo kooban kadib markii uu ka qayb galay kulanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Balse xukuumadda dalkaasi waxa ay sheegtay in ciddii faafisa warar liddi ku ah xaaladda Madaxweynaha ciqaab adag la marsiin doono lagana war sugo inta ay war rasmi ah ka soo saarayso. Warar madax bannaan oo ka imanaya Maraykanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Peter Mutharika uu ku sugan yahay Maraykanka balse aan la ogayn goob uu kaga sugan yahay iyo xaalad uu ku sugan yahay toona.

 

Somalilandpost.net