Madaxweynahii Hore Ee Baakistaan Musharaf Oo Loo Ogolaaday Inuu Dalka Ka Bixi Karo

Dubai(SLpost)-Kaligii taliyihii hore ee dalka Pakistan, Pervez Musharaf, oo wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin qiyaamo qaran, ayaa maanta ka baxay dalkaas, kadib markii xayiraadda laga qaaday.

 

Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa horraantii toddobaadkan ku amartay dowladda inay xayiraaddo ka qaado madaxweynihii hore.

Musharaf ayaa jimcaha maanta ah u duulay magaalada Dubai, waxaana la filayaa inuu iska soo daweeyo xanuun la sheegay inuu toban sano ka badan hayey.

Waxa uu ballan qaaday inuu dalka Pakistan dib ugu soo laaban doono, si uu wajaho dacwadaha ka dhanka ah.

Waxa uu wargeyska Dawn ee dalkaas kasoo baxay u sheegay inuu dalkiisa jecel yahay, islamarkaana uu kusoo laaban doono toddobaadyo ama bilo gudahood.

Hase yeeshee Hasan Askari oo siyaasadda fallanqeeya, ayaa wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in suurto-galnimada ah in Musharaf uu dalka kusoo laabto ay tahay mid aad u yar.