Madaxweynaha Turkiga oo Sheegay in uu Iscasillayo Haddii la Keeno Caddayn Sheegaysa in Dalkiisu Shidaal ka Iibsado Daacish

 

 

SLpost- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xilka iska casilo haddii caddeymo ay keenaan Ruushka ku eedeynaya in Turkigu shidaal ka gato ururka ISIL.

 

Hadalka Erdogan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay in Turkigu u soo ridey diyaaradoodi si ay u ilaaliyaan waddooyinka ay u soo marto Saliida ka timaada ISIL.

 

Turkiga ayaa marar badan eedeyntaas ku tilmaamey mid aan la aqbali karin

“Waxaan halkan ka sheegayaa arrin aad u adag”, haddii la keeno caddeymo, ma jirto sabab aan xafiiska u joogo, Waxaanse weydiinayaa Putin in uu sidaas oo kale yeeli karo”  ayuu yidhi Erdogan, isaga oo ku sugan magaalada Paris ee dalka faransiiska.

 

Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay dulqaad oo aan caadifad iyo dareen lagu dhaqmin.

 

Ruushka ayaa doonaya in Turkigu raaligelin ka bixiyo diyaaradii ay ku soo rideen Yamadi, Galbeedka dalka Siiriya kadib markii ay ku eedeeyeen in ay soo gashey hawadooda isla markaana ay u digeen muddo 10 daqiiqo ah.

 

Turkiga ayaa sheegay inaanay sinaba raali gelin uga bixineyn dhacdadaas, oo ay ahayd mid ay isku difaacayeen sida u sheegay raysalwasaaraha Turkigu.

 

Xidhiidhka labada dal ayaa sii xumaadey, waxaana Ruushku ku soo rogey Turkiga cuna-qabateyn.