Madaxweynaha Turkiga oo Dhistay Qasriga ugu ballaadhan Adduunka iyo Xaddiga Lacagta ku baxday

ANKARA (SLpost)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo muddo laba bilood ah hayey xilka madaxtinimo ee dalkaas, ayaa isaga guuray Qasrigii hore uu u isticmaali jiray madaxweynihii ka horeeyey ee jagada kala wareegay Cabdalla Guul, waxaana duleedka caasimadda Ankara looga dhisay Qasri lagu tilmaamay ka ugu weyn caalamka.

Erdogan Palace (1)Qasriga Cusub ee uu dhistay madaxweyne Recep Tayyib oo loogu magac-daray AK Saray oo micnaheedu yahay Qasrigii Caddaa, ayaa ka kooban 1,000 qof, waxa kharashka dhismihiisa ku baxay lagu qiyaasay $615 Milyan, waxaanu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu dhan yahay 150,000 Mitir laba jibbaaran, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Turkigu.

Madaxweyne Erdogan oo xisbigiisa AK muddo badan soo hoggaaminayey Siyaasadda dalka Turkiga, isagana tiraba laba jeer loo doortay raysalwasaaraha dalkaas intii u dhaxay 2003-dii ilaa 2014-kii, ayaa qasrigan xadhigga ka jaray 30-kii bishii August ee sannadkan, ka dib markii loo doortay inuu noqdo madaxweynihii 12aad ee Jamhuuriyadda Turkiga wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta oo fadhigeedu ahaa magaalada Istanbul ka hor intii aanay burburin waddamadii reer Yurub ee guumaysi-doonka ahaa.

Qasriga loo dhisay raysalwaaare Erdogan waxa uu ka weyn yahay dhismayaasha iyo oogada dhulka ay ku fadhiyaan Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka iyo Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga taliyo.

Wasiirka Maaliyadda ee Turkiga Mehmet Simsek oo warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas uga xog-warramay dhaqaalaha ku baxay dhismaha Qasriga, ayaa sheegay inay dawladdu bixisay 1.37 bilyan oo lacagta Lira-ha ee Turkiga ah una dhiganta $615 milyan, haseyeeshee waxa uu sheegay in lagu karash-garayn doono $135 milyan oo lagu daray miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2015-ka.

Erdogan Palace (2)Dhismaha Qasriga madaxtooyada Turkiga, ayaa loo adeegsaday naqshado waddankaasi caan ku yahay oo laga dhaxlay dawladdii Cusmaaniyiinta iyada oo sidoo kale lagu rakibay qalab casri oo ka ilaalinaya khasaare ka soo gaadhay Korontada.

Haseyeeshee, kooxaha u ololeeya ilaalinta deegaanka, ayaa madaxweyne Erdogan ku eedeeyey inuu hantida umadda u adeegsaday dhismaha mashruucan oo galaaftay boqolaal geed oo dhulka lala simay si loogu binneeyo goobta Qasriga laga dhisay ahayd meel keyn ah oo barbarka ku haysa buuro gaagaaban oo dhinac Woqooyi-galbeedka ka saaran magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale uu sheegay in adduun gaadhaya $185 milyan lagu kharash-garayn doono diyaarad noocedu yahay Airbus oo noqon doonta diyaaradda khaashka ah ee madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan, ayaa markii dhismaha Qasrigani dhammaaday waxa uu ka guuray Qasrigii hore ee madaxtooyada, kaas oo uu isticmaali doono Raysalwasaaraha dalkaas Ahmet Davutoglu oo ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga xilligii uu Erdogan raysalwasaaraha ka ahaa dalkaas ka hor doorashadii sannadkan ee uu madaxweynenimada ku guulaystay.

SOMALILANDPOST.NET