Madaxweynaha Sudan oo soo gaabiyey booqasho uu ku tagay Nigeria ka dib markii Maxkamadda Dambiyadu Dalbatay qabashadiisa

Abuja (SLpost)-  Madaxweynaha Sudan Omar Al-Bashir ayaa ka soo kudaalay dalka Nigeria ka dib markii la dalbaday xidhitaankiisa dembiyo dagaal loo haysto, sida afhayeen u hadlay safaarada sheegay.

Madaxweyne Bashir oo ka qeybgalay shirka Midowga Africa ee caafimaadka ee dhamaanyey shalay ayaa gelinkii hore ka soo laabtay, “Wuu soo laabtay. Waxuu tegay duhurnimadii isniintii,” ayuu Mohammed Moiz, afhayeenka safaarada Sudan ee Nigeria, u sheegay AFP. Waxuu sheegay in Madaxweyne bashiir u socdaalay kulan kaloo uu lahaa.

Madaxweynaha Nigeria ayaa difaacay imaatinka Bashir ee kulankii dalkiisa oo dhacayey isniintii iyo salaasadii, inkastoo dembiyo dagaal loo haysto, balse sheegay inaanay dhexgeli Karin danaha Midowga Africa.

bashirMaxkamada Hague ee dembiyada dagaalka ayaa laba wakhti 2009 iyo 2010 soo saartay waaran qabasho ah madaxweyne bashiir oo lagu eedeynayo dembiyo dagaal ka dhacay gobolka Darfur.

Maadama  Nigeria xubin ka tahay maxkamada Hague, waxa sharciyan ay tahay inay xidho qof kastoo maxkamadu waaran qabasho u goysay>

Madax ka tirsan Midowga Africa ayaa dhaleeceeyey waaranka iyo qabashada madaxweyne Bashiir, isla markaana waxa midowga Afrika soo saareen qaraar ka dalbanaya wadamada xubnaha ka ah inaanay ku dhaqmin waaranka qabashada Bashiir.