Madaxweynaha Somaliya oo Shuruud ku xidhay Is-casilaad xildhibaanno ka tirsan Baarlaanku u jeediyeen

xasan Sheekh MaxamuudMuqdisho (SLpost)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa jawaab ka bixiyey soo jeedinta illaa 133 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka oo eedaymo kala duwan u jeediyey, isla markaana dalbaday inuu xilka iska casilo Madaxweyne Xasan Sheekh. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday Madaxweynuhu in la sameeyo qiiman dhab ah oo aan la siyaasadaynin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka soo laabtay booqasho uu maalmihii ugu dambeeyey ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaradka Carabta, isla markaana si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho oo uu qaybo ka mid ah Jidadka lug ku maray, ayaa Shir Jaraa’id oo uu garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaaladaas ku qabtay, ku sheegay inuu soo dhawaynayo fikirka xorta ah ee Muwaaddiniinta iyo Mudanayaasha, isagoo ku dooday inuu la fadhiisanayo cid kasta oo tabasho qabta ama soo jeedinaysa fikir Soomaali wax u tari kara.

SOMALILANDPOST.NET