Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyad

Maxamed-Cabdi-Gurxan-Agaasimaha-Guud-ee-Wasaaradda-Maaliyadda
Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda-Maaliyadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xilka ka qaaday agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta soo saaray wareegto isugu jirta xil-ka-qaadis, magacaabis iyo isku beddel, waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u magacaabay Agaasimihii Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan inuu maanta laga bilaabo noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi Wareegtada uu xilka kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Digreetada Madaxweyne Muuse Biixi laguma sheegin cidda beddelaysa Agaasimaha Barnaamijka Shaqo-qaran, balse waxa uu dhinaca kale shaqo dublomaasiyeed u magacaabay Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo loo dhiibay xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.

Waxa kale oo madaxweynuhu digreetada ku yidhi, “Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
2. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.”