Madaxweynaha Somaliland Oo Xilalka Ka Qaaday Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xilalka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu soo saaray magacaabid iyo iskubeddel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu xilalka ka qaaday Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdi-naasir Cumar Jaamac.

Advertisement

Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtadiisa ku go’aamiyey in Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland halka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Loo beddelay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu go’aamiyey In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement