Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-Qaadis iyo Magacaabis Sameeyey

madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.jpg

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu fiidnimada caawa soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faafiyey wareegtooyin madaxweynuhu soo saaray caawa, waxa uu guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag u magacaabay Jaamac Maxamuud Warsame.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad u shaqaysay Qaranka.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtada uu xilka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Sanag.