Madaxweynaha Somaliland Oo Xil-ka-qaadis, Isku-beddel iyo magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku-beddel, xil-ka-qaadis iyo magacaabis ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, gaar ahaan qaar ka mid ah Wasiirrada ugu tunka culus Xukuumadda.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

Madaxweynuhu waxa uu wareegtooyinka uu maanta soo saaray isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey masuuliyiintan: Axmed Yuusuf Idiris Cawaale waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Axmed Aadan Axmed Buuxane oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye Cige oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga, Cali Xasan Maxamed Jaamac oo ahaa wasiirkii kheyraadka Biyaha waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud oo Ahaa Wasiirkii Arrimaha Dastuurka, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Afhayeenkii xisbiga Kulmiye, waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud oo ahaa Wasiirkii horumarinta Reer Miyiga, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka halka ugu dambeyn Axmed Maxamed Habbane oo hore u soo noqday maamulaha kastamka Berbera loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net