Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka Jaray/Dhagax-dhigay Mashaariic laga fuliyey Degmooyinka Sheekh iyo Burco (Daawo SAWIRRO)

Sheekh/Burco (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray cusbitaalka guud ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil iyo Mashaariic laga hirgeliyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne Siilaanyo oo Saaka subaxnimadii ka ambo-baxay magaalada Hargeysa isla markaana ay socdaalkiisa ku wehelinayeen   Wasiirrada Madaxtooyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud, Waxbarashadda, Wershadaha, Wasiir Ku xigeennada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta,  ayaa wakhti barqanimadii ah Gaadhay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, halkaas oo uu xadhigga kaga jaray Cusbitaal guud ee degmadaas oo dhismihiisa ay maal-gelisay Dawladda Kuweyt.

Booqashada Madaxweyne ee Degmada Sheekh

Madaxweynuhu waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha gurigii martida ee degmada Sheekh oo ku burburay dagaaladii taliskii dawladdii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre la gashay shacabka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal uu ka jeediyay furitaankii cisbitaalkaasi ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay ballanqaadyadii xukuumaddu ku gashay inay ka hirgeliso gobolka Saaxil.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u mahad celiyay dawladda Kuwayt oo uu tilmaamay inay gacan ka geysatay cisbitaalkaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu hal ambalaas ku soo kordhin doono saddexdii ambalaas ee hore ay u lahayd degmada Sheekh.

Weftiga madaxweynuhu waxa ay markii dambe u kicitimeen magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Booqashada Madaxweynaha ee Burco

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray jidad laga dhisay magaalada Burco gudaheeda oo ay fulisay dawladda Hoose ee magaaladda Burco.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismaha dugsiga farsamadda gacanta ee Burco, dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta guriga martida Burco isaga oo dhinaca kale dhagax-dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo gurigaasi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net