Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka jaray Xarun Cusub oo loo yagleeyey Dalladda Dhalinyarada SONYO

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray Xarun Cusub oo loo dhisay Daladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, taas oo laga laga hirgeliyey xaruntii hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Xaruntan oo madaxweyne Siilaanyo dhagax-dhigay horaantii bishii February ee sannadkan, waxa munaasibadda xadhig-ka-jarista ka qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Hoggaanka sare ee SONYO, Ururrada iyo hay’adaha wada-shaqayntu ka dhaxayso daladda SONYO iyo wasaaradda Ciyaaraha iyo marti-sharaf tiro badan oo lagu marti-qaaday.

HALKAN KA DAAWO