Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Casri Ah Oo Loo Hirgeliyey Cusbitaalka Carruurta ee MAS

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo laba dabaq ka kooban oo loo hirgeliyey cusbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh oo katirsan cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan madaxda ugu sarraysa wasaaraadda caafimaadka oo uu hormuud u yahay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa kormeeray oo mid mid u galay waadhadhka iyo qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyey cusbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh oo lagu qalabeeyey in kabadan 70-sariirood oo loogu talo galay Ubadka bukaanka ah ee halkaas la keenayo.

Agaasimaha cusbitaalka Maxamed Aadan Sheekh, Dr.Axmed Maxamed Jiciir oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu cusbitaalku soo maray cusbitaalku, waxana uu sheegay in dhismahan cusubi Meesha ka saari doono culayskii hore u haystay cusbitaalka ee dhinaca bukaannada halkaas la keeno.

Advertisement

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan u hagar baxeen ballaadhinta cusbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, islamarkaana ka dhigeen mid lagu daaweeyo cudurrada kala duwan ee asiiba carruurta yar yar, laguna sameeyo qalliinnada kala duwan oo midka wadnuhu ugu muhiimsan yahay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa dhankiisa bogaadiyey dhismaha casriga ah ee loo hirgeliyey cusbitaalka, waxana uu sheegay inay xil weyn iska saareen sidii adeegyada dhinaca carruurta ee cusbitaallada dalka loogu hagar bixi lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xadhig-ka-jarka kaddib halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxda wasaaradda caafimaadka iyo dhallinyarada gacanta ku haysa cusbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda ay ku daryeelayaan carruurta xannuunada kala duwani asiibeen sii laban laabaan.

Follow us On