Madaxweynaha Somaliland oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Dawladda Federaalka Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey.

Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinayey ku xigeenkiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Diblomaasigan cusub ee loo soo magacaabay Safiirka Ethiopia u qaabilsan Somaliland, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo ah qoomiyadda lixaad ee ugu badan Dalka Ethiopia.

Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo maamul ahaan hoos taga Ismaamulka Shucuubta Koonfureed, ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.9 Milyan Qof, waxaana la qiyaasaa in boqolkiiba 51 Dadka Uraagada ahi haystaan Diinta Islaamka. Qoomiyadda Uraagada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dadka majaraha u haya ama hoggaamiya Ganacsiga Dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net