Madaxweynaha Somaliland oo war ka soo saaray diiwaangelinta Madaniga ah oo uu qaatay Kaadhkii ugu horreeyey oo Taariikhdiisa dhalashadu Qaldan tahay

Maxaa sababay kala-duwanaanshaha Taariikhdii dhalashada ku xusan laba Diiwaangelinood oo Afar Sanno u dhaxayso!?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay muhiimadda diiwaangelinta Madaniga ah oo uu sheegay in la gaadhay wakhtigii qaadashada Kaadhka dhalashada lagu kala sooci lahaa qofka Muwaaddinka ah ee reer Somaliland iyo ka soogaleetiga ah.

siilaanyoMadaxweynaha ayaa 25-kii bishan September ee aynu ku jirno oo ku beegnayd Khamiistii dorraad qaatay kaadhkii ugu horreeyey ee bilawga tijaabada diiwaangelinta Madaniga ah ee dalka laga qabanayo oo Khamiistii laga bilaabay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa, waxaana Kaadhka uu ku aftaxay bilawga tijaabada diiwaangelintu dibedda u soo saaray kala duwanaansho markii ugu horreysay lagu arkay da’da Madaxweynaha oo hore u diiwaangeshanayd, ka dib markii da’ ka duwan tii uu hore ugu qaatay Kaadhkii Diiwaangelinta Dhalashada iyo Cod-bixiyaha isugu jiray ee sannadkii 2010-kii laga qabtay dalka, taas oo lagu galay doorashadii madaxtooyada ee madaxweynuhu bishii June ee isla sannadkaas uu ku hantay kalsoonida codadka shacabka Somaliland.

Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo, sheegay in Kaadhka Aqoonsiga ee toddobaadkan aynu ku jirno qaadashadiisu si rasmi ah dalka uga wada bilaabmi doontaa uu yahay mid aad u muhiim ah, isla markaana kala saari doona dadka dhaladka ah iyo kuwa aan ahayn.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay Farriin kooban oo uu shalay ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Bogga Twitter-ka. Waxaanu intaas ku daray in la gaadhay wakhtigii la kala sooci karaa Muwaaddiniinta Somaliland u dhashay iyo kuwa aan u dhalan, waxaanu yidhi, “Waa maalintii Muwaaddiniinta Somaliland. Waa maalin aynu kala soocayno Muwaaddinka iyo kuwa kale,  Dadka dhaladka ah iyo kuwa aan dhaladka ahayn.”

siilaanyo 2010Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayey muhiimadda qaadashada Kaadhka Aqoonsiga iyo noociisa waxa uu yidhi; “Somaliland xilligan waxay yeelatay kaadhkoodii aqoonsi u gaar ah oo indhaha laga xaqiijinayo. Waa maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka Somaliland.”

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Madaxweyne Axmed-Siilanyo ka qaatay Kaadhkii ugu horreeyey ee Aqooniga Xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa oo laga bilaabay bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga Muwaaddiniinta Somaliland Khamiistii dorraad oo ku beegnayd 25-kii bishan. Kaasoo loogu qoray da’ ka duwan da’diisii hore ugu diiwaangeshanayd iyo goobihiisii dhalashada ee hore kuwo ka duwan.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxaa Taariikhda Kaadhkiisa uu qaatay sannadkii 2010 ku qoran inuu dhashay 1936-kii, Taariikhdaasi oo waafaqsan ta ugu qoran Taariikh-Nololeedkiisa. Waxa sidoo kale iswaafaqsan Goobta dhalashada ee Kaadhkiisa 2010-ka ku qoran iyo sida ku qoran Taariikh nololeedkiisa oo ah Tuulada Dheryalay oo ka tiran degmada Ballidhiig ee gobolka Togdheer, halka Kaadhka Madaxweynaha ee 2014 ay ku qorantahay Burco inuu ku dhashay.

KAADH 2Sida ka muuqata labada Kaadh ee midkood Khamiistii oo ay bishan September ahayd 25 sannadka 2014-ka oo ay ku qoran tahay inuu Madaxweynuhu dhashay 1942-kii iyo Kaadhka uu isku diiwaangeliyey diiwaangelinta bishii April ee sannadkii 2010-ka oo ay ku qoran tahay inuu dhashay 1936-kii, waxaa labada da’ood ee Madaxweynaha u kala qoran u dhexeeya muddo dhan lix ssannadood, waxaaana da’da Madaxweynuhu Khamiistii loo diiwaangeliyey lix sanno ka yar tahay tii hore ugu qornayd.

Madaxweynuhu weli kama hadal in da’diisan dambe sax tahay iyo in si qaldan qoraalka taariikhdu isu waydaaratay ama uu is-moodsiiyey sidan dambe ama uu gedaal ka soo ogaaday taariikhdiisa saxda ah ee dhalashada. Hase-yeeshee, dadka qaarkood waxa ay u fasireen inuu da’ ahaan isu-yaraynayo Madaxweynuhu maaddaama oo uu isu-diyaarinayo inuu mar labaad u tartamo jagada Madaxweyne-nimada.

@himilo newspaper