Madaxweynaha Somaliland Oo U Quus-gooyey Damaca Xasan Sheekh iyo Xulafadiisa

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab cad ka bixiyey awaamiir naflacaari ah oo maalmahanba kasoo yeedhayey dawladda Xamar, kuwaas oo liddi ku ah qarannimada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu dawladda Xamar iyo maamulkeedaba ku tilmaamay kuwo magan u ah dawlado shisheeye, islamarkaana aan tahli Karin inay is maarayso, balse hadal-xumo aan afkooda dhaafsiisnayn meel walba ula taagan Somaliland.

“Maalmahan dawladda Xamar ka dhisan ee maganta ugu jirta Afrikaanka, ayaa aad inoogu hanjabaysa, talo xumada koowaadna waa madaxweynaha Xamar joogaa isaga oo aan gurigiisa ka xukumin Xamar ayuu meel walba ka sheegayaa inuu Somaliland kasoo saaray waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tegi karto, baanankuna ma tegi karaan, waana naftii hafar,” sidaa ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaas ku daray, “Waxa uu ku hadlay annagu Somaliland ahaan dheg u dhigi mayno, hadduu Somaliland wax yeeli karayo ama uu cuno qabatayn karayo beri hore ayuu fulin lahaa, laakiin maanta waxaad mooddaa inuu dhuun yeedhis yahay oo wixii Afkiisa kasoo baxaba uu Somaliland kusoo qabanayo

Advertisement

“Waxaa uu sheegayo Somaliland shacabkeeda iyo annaguba u qaadan mayno colaad ka timi dadweynaha ee waxanu u qaadanaynaa colaad ka timi koox siyaasiyiin ah oo isku duubaya hoggaanka, iyagana jar ka tuuraya, dadkana colaad ku beeraya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement