Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Xildhibaan ka mid ahaa Golaha Deegaanka Hargeysa oo Caawa Geeriyooday

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa tacsi u diray ehelka, Qaraabada iyo Golaha Deegaanka ee uu ka baxay Marxuum xildhibaan Deeq Ducaale Cismaan oo caawa ku geeriyooday Cusbitaalka Edna Aadan ee Magaalada Hargeysa.

xildhibaanMarxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyeyba xaalad caafimaad u yaallay cusbitaalka Edna Adan Maternity Hospital.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

Alle ha u naxariiste Marxuum Deeq Ducaale waxa uu ka mid ahaa Afar Xildhibaan oo Urur-Siyaasadeedkii Doorashada Deegaanka ku hadhay ee XAQSOOR uga soo baxay magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Marxuumka ayaa maalinta berri oo ah oo ku beegan Xuska 18 May lagu aasi doonaa Magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyska Marxuumka.

SOMALILANDPOST.NET