Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo Hargeysa ku geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qaranka uu ka baxay Allah haw naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Marxuum Cismaan Jibriil Xagar oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay shaqsiyaddii iyo doorkii uu marxuumku ka soo qaatay dhismaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo uu taliye ka ahaa intii u dhaxaysay sannadihii 2005-tii ilaa 2010-kii.

Dhambaal Tacsi ah oo madaxweynuhu u diray Marxuumka, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Jibriil Xagar oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 05/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay ciidamada iyo dalkaba kana mida ahaa saraakiishii aas-aastay ee seeska u dhigtay dhismaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, xilal kala duwanna ka soo qabtay, isagoo sannadihii 2005 ilaa 2010-kiina ahaa taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi war kooban oo lagu faafiyey dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha.

Marxuumka ayaa muddadii uu xilka Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ahaa, waxa uu tiraba dhowr jeer kulamo la yeeshay Saraakiil iyo ka tirsan Ciidamada badda midowga Yurub iyo kuwa Isbahaysiga NATO oo ay kulamo wakhti qaatay lagagana hadlay ammaanka xeebaha gacanka Cadmeed kula qaateen Maraakiibta Dagaalka. iyadoo xilligaas ay reer Galbeedku dagaal kula jiraan Budhcad-badeedda Soomaalida oo faro-baas ku hayey maraakiibta ganacsi ee ka gudbi jirtay Badweynta Hindiya iyo qaybo ka mid ah Gacanka Cadan.

Somalilandpost.net