Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay doorkii uu saxaafadda ku lahaa Maareeyihii Wargeyska Ogaal Cabdiweli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa Bahweynta Saxaafadda Somaliland, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay ka tacsiyadeeyey Maareeyihii Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo maanta gelinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

cabdi weli jaambiirAlle Naxariistii Janno haka waraabiyee, Cabdiweli Faarax Jaambiir oo muddo labaatan sanno ku siman ku soo dhex-jiray Bahda Saxaafadda Somaliland isla markaana ahaa ruug-caddaa magac iyo karaamo ku lahaa bahda Saxaafadda ee dalka, ayaa dhowrkii bilood u dambeeyey xannuun dhinac beerka ah u yaallay cusbitaallo ku kala yaala Somaliland iyo Itoobiya oo lagu dabiibayey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Dhinaca kale, Ururka Saxaafadda Somaliand ee SOLJA, ayaa tacsi u diray Ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo bahda saxaafadda ee Marxuumku ka baxay, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

“Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Wuxuu Tacsi U Dirayaa Qoyskii,Qaraabadii Iyo Dhamaan Bahda Saxaafada Somaliland Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Maanta Ku Timid Weriye C/Wali Faarax Jaambiir Oo Ahaa Maareyihii Wargayska Ogaal Oo Maanta Galinkii Danbe Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa

Taas Oo Aanu Ilaahay Ugu Baryayno Inuu Qabriga U Nuuro Janatul Fardowsana Geeyo,Dhamaanteena Samir Iyo Iimaan Inaga Siiyo.”

Haddaanu nahay bahda Somalilandpost.net, annaga oo ka tiiraanyeysan Geerida naxdinta leh eek u timi Cabdiweli Faarax Jaambiir, waxa aanu tacsi u diraynaa Ehelkii, qaraabadii, Qoyskii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle Ha u naxariistee Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ka mid ah Odayaasha iyo ruug-caddaaga saxaafadda Somaliand. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

SOMALILANDPOST.NET