Madaxweynaha Somaliland oo sii Sagootiyey Danjire Nicholas Kay

Hargeysa(SLpost)- Ambasador Nicholas Kay, danjirihii qaramada midoobay u qaabilsanaa Somaliland iyo Somalia ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo madax xukumadda ka tirsan.

Socdaalka Mr Kay ku yimid Hargeysa ayaa ah mid sii sagootin ah, kadib markii dhawaan xilkaasi laga bedelay. Waxa uu ka mahadceliyay mudadii uu soo hayay xilka, inkasta oo intii badnayd Somaliland iyo Kay xidhiidhkoodu fiicnayn, wuxuu rajeeyay in Somaliland horumar gaadho, islamarkaana doorashada soo socotaa si wacan u qabsoonto.

Wasiirka khaarajiga ayaa sidoo kale sheegay inay arrimo door ah oo doorashadu ugu horayso ay kala hadleen, una sheegeen inaanay Somaliland qayb ka ahayn qorshaha Somalia ee 2016-ka.

 

 

https://www.youtube.com/watch?v=cayHIqobe4Q