Madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo Dhaweeyey Borama, Xadhiggana ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey (SAWIRRO)

Borama (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaana soo-dhawayntiisa waddooyinka isugu soo baxay kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha waddo laami ah oo 6km ah oo isku xidhaysa Dilla iyo Boorame oo xukuumaddu bixisay dhaqaalaha ku baxay isla markaana ay fulisay Gudida horumarinta wadooyinka ee gobolada Awdal iyo Salel.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu dhagax-dhigay dayactir balaadhan oo lagu samaynayo Guriga Martida ee magaaladda Boorame. Waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay kastamka Boorame.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu xadhiga ka jaray laba waddo oo isku xidha xaafadaha magaalada Boorame oo ay iska kaashadeen fulintooda Dawladda hoose iyo dadweynaha Boorame.

“Waxaan idiinka mahad celinayaa sida diiran sida wanaagsan ee aad iigu soo dhawayseen gobolka Awdal, waxaan idiin caddaynayaa inaanu dawlad ahaan diyaar u nahay wixii danta iyo horumarinta dalku ku jirto,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray, “Waxaanu diyaar u nahay wixii gobolka waxtarkiisa iyo horumarintiisa ah. Haddii ay waddooyinka tahay iyo dhinac walba inaanu wax ka qabano oo meel ka soo wada jeedsano oo gacmaha is qabsano oo dalkeena horumarintiisa iyo midayntiisa ka wada shaqayno.”

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa gobolka Awdal waxa ku wehelinaya marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Kalluumaysiga, Warshadaha, shaqada iyo arrimaha bulshadda, Beeraha, Waxbarashadda, Wasiir Ku xigeenada Warfaafinta iyo Waxbarashadda.


Waa markii Labaad ee madaxweynaha Somaliland socdaal ku gaadho xarunta gobolka Awdal ee Borama tan iyo markii xilka loo doortay sannadkii 2010.

Somalilandpost.net/Borama