Madaxweynaha Somaliland oo Si Meeqaam Sare ah Loogu Soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay maanta uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Itoobiya.

Soo dhawaynta Madaxweynaha oo Habmaamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya ayaa qadar nasasho ah ka dib loo galbiyey qasriga madaxtooyada oo madaxweynaha la dejiyey looguna sameeyey hadhimo sharafeed.

Waxaana Madaxweynaha safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyo weftiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya, Ambassador Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiir Ku-xigeenka Somaliland Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye.