Madaxweynaha Somaliland oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Addis Ababa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.

m (6)

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulan arrimo badan lagaga hadlayo la qaato raysalwasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo marti-qaad u fidiyey Md Muuse Biixi.

m (9)

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa saaka ka soo amba-baxay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda. “Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.”

m (5)

Madaxweynaha waxa socdaalka Itoobiya ku wehelinaya, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faro-toon, Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

SAWIRRADA AMBA-BIXII SAAKA EE WEFTIGA MADAXWEYNAHA