Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ku hambalyeeyey Xuska Maalinta Xorriyadda dalkaas

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ku hambalyeeyey 44-guurada ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay gumaystihii Faransiiska 27 June 1977-kii oo maanta ku beegan.

Qoraal xambaarsan dhambaal hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u diray dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegnayd Xuska sannad guurada 44-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu  shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegnayd Maanta oo Axad ah, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo.

Advertisement

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 44-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement