Madaxweynaha Somaliland oo Qaranka iyo Qaraabada ka Tacsiyeeyay Geerida Duuliye Sare Marxuum Cabdi Cali Cabsiiye

Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Ehelkii, Wasaaradda Duulista & Hawada, iyo Shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Duuliye Sare, MARXUUM, CABDI CALI OBSIIYE oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, laguna aasay.

Marxuumku waxa uu mudo dheer duuliye sare ka ahaa shirkadii Diyaaradaha ee Somali Airline. Sidoo kale Marxuumku waxa uu 1991-kii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo hawada ee Somaliland oo uu ilaa 1991-2010-kii ka ahaa agaasime balse labadii sanno ee ugu danbeeyey uu ahaa la taliyaha wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada JSL.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Shacbiga reer Somaliland, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Ehelkii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.