Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Xildhibaanno uu horkacayo Cabdikariim Axmed Mooge

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Cabdi oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirrada, ayaa qaabilay xubno ka tirsan xildhibaannada Cusub ee loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa ee madaxweynuhu qaabilay oo ah murashaxiintii ka soo kala baxday xisbiyada Qarana oo uu horkacayo Cabdikariim Axmed Mooge oo ah murashaxii ugu codka badnaa abid ee ku soo baxa Goleyaasha deegaannada dalka, ayaa kulankoodu daba-socdaa codsi madaxweynuhu isugu yeedhay.

Kulanka ayaa daba-socda kaddib markii labadii maalmood ee u dambeeyey ay soo baxaysay loolan adag oo loogu jiro hoggaanka Goleyaasha deegaanka Hargeysa oo ay kulamo is-xulafaysi ah ka yeesheen labada xisbi Mucaarad iyo UCID oo ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta goleyaasha deegaaka iyo Wakiillada deegaanka Doorashadii isku-sidkaynayd ee dhawaan ka qabsoontay dalka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada kulanka uu isugu yeedhay jawaab u tahay rabitaanka Cabdikariim Axmed Mooge ku sheegay inuu xaq u leeyahay Maayarnimada magaalada Hargeysa maadaama uu yahay murashaxii ugu cod ka badnaa magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu xildhibaannada u ballan-qaaday inuu ku garab-joogsanayo wax kasta oo ay xaq u leeyihiin maadaama ay ku yimaaddeen codka shacabka iyadoo taas loo marayo sharciga dalka u yaalla.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo sharraxaad ka bixiyey xidhiidhka shaqo ee ka dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Goleyaasha Deegaanka dalka.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge oo madaxweynaha uga mahad-celiyey kulanka uu isugu yeedhay oo uu ku tilmaamay mid magac iyo karaamo u soo jiiday madaxweynaha Somaliland.