Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wufuud ka Socday Dalalka Deriska oo Xukuumaddu marti-qaad u fidisay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay laba wefti oo ka kala socda dalka Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya oo lagu marti-qaaday kasoo-qaybgalka tartanka koobka gobollada dalka oo maalintii shalay ka furmay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Wufuuddan oo ay hoggaaminayeen wasiirrada ciyaaraha u qaabilsan dalka Jabuuti, Mudane Xasan Maxamed kaamil iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Cumar-Siyad Ibrahim Axmed ayuu madaxweynuhu uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay uga soo qaybgaleen furitaanka tartanka gobollada Somaliland, waxana uu ka guddoomay salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda.

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ciyaaraha iyo madaxda xidhiidhka kubbadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka uu madaxweynuhu la qaatay wufuudda ka socotay dalalka deriska ah.