Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub iyo Arrimo laga wada-hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Amba Nicolas Berlanga oo socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.

War-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.”