Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Madaxda Brenthurst Foundation iyo Siyaasiyiin Caalami ah

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay madaxda Macadka BRENTHURTS FOUNDATION oo ay wehelinayaan siyaasiyiin iyo haldoor kale oo caalami ah, kuwaas oo kasoo qaybgalay shir Caalami ah uu machadku shalay ka furay caasimadda Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoggaanka Machadka Brenthurst Foundation uga mahadnaqay sida ay ugu dhiirradeen inay Somaliland u doortaan inay noqoto dalkii ugu horreeyey Geeska Afrika ee ay shirkan caalamiga ah oo lagaga hadlo arrimaha Afrika ku qabtaan, isaga oo xubnaha caalamiga ah ee daafaha adduunka isaga yimi ee shirka qaybta ka ahaana uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka intii uu kulanku socday waxa uu Madaxweynuhu ku dheeraaday horumarka ku dhisan iskaashiga iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadihii kala danbeeyey ay ku tallaabsadeen ee sababay in maanta caalamku u tartamo Somaliland, haday tahay maalgashi iyo shirarba sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen.

Advertisement

Dhinacooda, madaxda Machadka BRENTHURST FOUNDATION, ayaa ka markhaati kacay horumarka iyo dawladnimada ka hanaqaadday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay ku sheegeen inay sabab u tahay inay shirkooda u doortaan Sannadkan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo intaas raaciyey inay Somaliland ku arkeen waxyaabo badan oo soo jiitay oo ay ugu horayso nabadgelyada iyo isku tiirsanaanta guud.

Macadka Brenthurst Foundation, ayaa shalay caasimadda Hargeysa ku qabtay shir caalami ah oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, cilmi-baadheyaal, siyaasiyiin, warbaahin caalamiya iyo haldoor kale oo ka socda in ka badan 17 waddan oo adduunka ah, waxana lagaga dooday Amniga, dawlad-dhiska iyo dhaqaalaha Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxmaed Kaahin Axmed, Warfaafinta wacyigelinta iyo dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Gashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Agaasimaha Guud ee Arrimaha dibeda, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibeda iyo Siyaasi Baashe Cawil Cumar.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement