Madaxweynaha Somaliland oo Masuul Cusub u magacaabay Hay’adda Duulista Hawada

Maareeyihii hore ee Hay'adda duulista Hawada
Maareeyaha Cusub ee hay’adda Duulista Hawada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin is-xambaarsan oo uu maanta soo saaray ku sameeyey xilka-qaadis iyo magacaabista Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Somaliland.

Wareegtooyinka madaxweynuhu soo saaray oo sumaddadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/03/2021 iyo JSL/XM/WM/222-643/03/2021 isla markaana uu ogeysiin siiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxa uu xilka kaga qaaday Maareeyihii hay’adda Duuliska Hawada Cabdi Maxamed Rodol.

Waxaanu beddelkiisa magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle inuu noqdo Maareeyaha Cusub ee hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.” Sidaas waxa lagu sheegay wareegtada uu madaxweynuhu xilka kaga qaaday Maareeyihii hore ee hay’adda Duulista Hawada.

Maareeyihii hore ee Hay’adda duulista Hawada

Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii hore ee hay’adda Duulista Hawada Somaliland, ayaa xilkaas hayay muddo Saddex sanno iyo Dheeraad, waxaanu ka mid ahaa masuuliyiintii u horreeyey ee dhismaha xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi markii uu u guulaystay talada dalka doorashadii madaxtooyada oo ku beegnayd dabayaaqadii sannadkii 2017-kii.

Masuulka loo magacaabay Hay’adda Duulista Hawada Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Booska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, ayaa ku soo biiraya Dhowr Boos oo ka bannaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo aanu ilaa immika cid u magacaabin.

Boosaska ka bannaan xukuumadda madaxweyne Biixi waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Afhayeenkii madaxweynaha oo labadoodu xilalka iska casilay, kaddib markii ay shaaciyeen inay u tartamayaan Doorashada Golaha Wakillada Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net