Madaxweynaha Somaliland Oo Markii u horeysay Ka Hadlay Madaxweynaha Cusub ee loo Doortay Kenya

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday Dalka Kenya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh qoto dheer isla-markaana yihiin Qiyam wadaag, sidaa darteed uu Hambalyeeyay William Ruto oo loo doortay Madaxweynaha Kenya hoggaamin doona 5-ta sanadood ee soo socda.

Madaxweynaha Somaliland oo qoraalka Hambalyada ah ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Hambalyo, Mudane Dr.William Ruto, waxaan idinku hambalyeynayaa caleemo-saarka Madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Kenya.”

Advertisement

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh qoto-dheer oo soo jireen ah “Somaliland iyo Kenya waxa ka dhexeeya qiyam iyo xidhiidh taariikhi ah, waxaanan rejaynayaa in aan idinkala shaqeeyo xoojinta xidhiidhkeena soo jireenka ah…” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo Shalay xilka loo dhaariyey, ayaa doorashada kaga guulaystay Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaradka Raila Odinga, kaasi dhowr jeer fagaareyaal ka sheegay siduu u taageersan yahay qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, waxaanu sannadkii 2020 uu Magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilligaasna wuxuu mar kale muujiyey sida uu ula dhacsan yahay qadiyadda Somaliland.

Sidoo kale,adaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo hore u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Uhurru Kenyatta, ayaa isaguna buug uu ka qoray nidaamka dimuqraadiyadda Afrika, wuxuu amaan ugu jeediyey Somaliland, isagoo soo jeediyey in Dalalka Afrika ay Somaliland kaga daydaan ku dhaqanka wanaagsan ee nidaamka dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo sida Nabadgalyada ah ee xukunka la iskugu wareejiyo.

Advertisement