Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Xubnaha Koomishanka Xuquuqal-Iinsaanka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka kooban toddoba xubnood.

Magacaabista guddigan ayaa ku timi kaddib markii madaxweynuhu 14 xubnood u gudbiyey Guddi loo xil-saaray xulista xubnaha Xuquuqal Iinsaanka ee heer Qaran, kuwaas oo laga soo dhex-xushay toddoba xubnood.

Xubnaha Guddiga ee madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah

  1. Maxamed Baaruud Cali, Xubin
  2. Maxamed Xasan Caalin, Xubin
  3. Mustafe Cali Cismaan, Xubin
  4. Baashe Maxamuud Faarax, Xubin
  5. Maxamed Jaamac Ibraahin, Xubin
  6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle, Xubin
  7. Muuse Jaamac Cige, Xubin

Xubnaha Guddiga Xuquuqal Iinsaanka ee Heer Qaran, ayaa fadhigooda u horreeya ku dooran doona  maamulka iyo guddiga majaraha u hayn doona maamulka Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net