Madaxweynaha Somaliland oo La kulmay Safiirka Dalka Denmark 

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo dalka ku yimid safar shaqo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadaa Somaliland, Kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo Komishanku u muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021-ka.

Advertisement

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Waxaanu safiirku xusay inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la barbartaagan tahay marwalba, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga yurub isugu geeyeen sanduuqaasi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Denmark inay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya danaha labada dal.

Advertisement