Madaxweynaha Somaliland oo kulan Mahad-naq ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay toddobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku ammaanay qaabka ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka iska Sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakilllada oo dalka ka dhacday 31-kii bishii May 2021.

Madaxweynuhu waxa uu Guddiga ku bogaadiyey inay hirgeliyeen nidaam ku cusub hannaanka qabsoomidda doorashooyinka dalka oo aan hore u jirin, kaas oo uu ku tilmaamay inuu meesha ka saaray cabashooyin iyo tuhunno ku yimaadda natiijada doorashooyinka.

Nidaamka cusub ee madaxweynuhu sheegay ayaa ah in natiijada doorashada iyo wixii cabasho ah ee ka yimaadda lagu dhammaystiro xarumaha ay guddigu ku leeyihiin degmo-doorashooyinka dalka ka hor inta aan natiijada loo soo gudbin xarunta guud ee Guddiga Doorashooyinka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net