Madaxweynaha Somaliland oo Komishanka kala hadlay Kharashaadka iyo Diyaar-garowga Doorashooyinka

Kulanka madaxweynaha iyo Komishanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kulan ku yeeshay qasriga madaxtooyada, waxaanay ka wada-hadleen geeddi-socodka diyaar-garowga Doorashooyinka isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiillada oo loo muddeeyey 31-ka bisha May ee Sannadkan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Guddiga Doorashooyinka kala hadlay kharashaadka ku baxay hawlaha diyaar-garowga Doorashooyinka oo intiisa badan xukuumaddu bixinayso, waxaanu ku adkeeyey sidii ay u hirgelin lahaayeen in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtiga loo cayimay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

Kulanka madaxweynaha iyo Komishanka

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. Iyagoo xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay, idamka Alle.

Sidoo kale waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.

Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadinyey guddida doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey. Isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga qaranku dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo dheeraada inay iska saaraan hawlahaa miisaankooda iyo culayskoodaba leh ee ay gacanta ku hayaan.

Ugu danbayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddida doorashooyinka qaranka ugu duceeyey in Alle ku asturo hawlahaa culus ee ay qaranka u hayaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxafaadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net