Madaxweynaha Somaliland oo Khudbad Taariikhi ah ka jeedinaya Heritage Foundation

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka, ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeedin doona fagaare uu martigeliyey Mu’asasadda Heritage oo ah  xarun lagu jaan-gooyo siyaasadda iyo xidhiidhka dibadda ee dowladda Maraykanka.

Khudbadda uu madaxweynaha Somaliland ka jeedinayo Heritage Foundation oo Bilaabmaysa 6:00 galabnimo ee sacaadda Bariga Afrika, kuna beegan 11:00 subaxnimo ee wakhtiga Washington DC, ayaa socon doonta muddo 45 Daqiiqo ah, waxa marti-qeliyey isla daadihinaya Kevin Roberts oo ah madaxweynaha Heritage Foundation, iyadoo uu kala qayb-qaadanayo Joshua Meservey oo ah khabiir falan-qeeya siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.

Mowduuca ay xambaarsan tahay khudbadda madaxweyne Muuse Biixi ee Hertitage Foundation, waxa uu diiradda ku saari doonaa fursadaha muhiimka ah ee ku lammaan Sii-xoojinta Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.

Advertisement

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaya wefti miisaan leh, ayaa shalay gelinkii dambe saacadda Bariga Afrika ka degay gegida diyaaradaha ee Dulles International Airport ee magaalada Washington DC, caasimadda Dalka Maraykanka.

Safarka Shaqo ee madaxweyne Biixi ku joogo Maraykanka oo qaadanaya ilaa 19-ka bishan March, ayaa ka dambeeyey kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Maraykanka, waxaanu kulamo la qaadan doonaa waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon oo uu ugu horreeyo Wasiirka Difaaca Lloyd James Austin.

Halkan kala Soco khudbadda madaxweyne Muuse Biixi oo bilaabmi doonta wakhti kooban kaddib

The Great Promise of Closer U.S.-Somaliland Ties: An Address by H.E. Muse Bihi Abdi

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On