Madaxweynaha Somaliland oo Khudbad ku saabsan Xidhiidhka Caalamiga ka Jeediyey Jaamacadda George Washington

Advertisement

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey macadka daraasaadka Afrika ee Jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka oo lagu marti-qaaday.

Munaasibadda  uu madaxweynaha Somaliland qudbadda ka jeediyey oo ku qabsoontay Xarunta Jaamacadda George Washington waxa si wada-jir ah u qaban-qaabiyey Macadka Daraasaadka Afrika (African Studies Institute)  iyo Macadka Onero Institute oo u dhaq-dhaqaaqa ka Qayb-galka Siyaasadda ee Dhalinyarada iyo xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee gudaha Maraykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay horumarka siyaasadeed iyo Dhaqaale ee ka hirgalay Somaliland muddadii 33-ka sanno ee ay jirtay iyo dedaallada diblomaasiyeed ee Aqoonsi-raadinta.

Advertisement

Munaasibadda oo ay ka qayb-galeen ardayda iyo khubarada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo qaaraddaAfrika ee Jaamacadda George Washington, waxa uu sidoo kale madaxweynuhu kaga jawaabay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey Saamaynta isbeddellada Siyaasadda gobolka Geeska Afrika ku yeelan karo Aqoonsi Caalami ah oo Somaliland ka hesho caalamka iyo xidhiidhada dublomaasi ee ay la leedahay dalalka adduunka.

Munaasibadda Jaamacadda George Washington ku marti-qaadday madaxweynaha Somaliland iyo Su’aalaha la weydiiyey oo socotay muddo saacad ku dhow, waxa daadinaysay Jennifer Cooke oo ah Agaasimaha Macadka Daraasaadka Afrika (Institute of African Studies) oo ka tirsan Kuliyadda Xidhiidhka caalamiga ah ee Jaamacadda George Washington ee Dalka Maraykanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement