Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay Xuska sannad-guurada 21aad ee Ciidanka Qaranka iyo nuxurka Khudbad dhiirri-gelin xambaarsan oo uu u jeediyey

Dararweyne (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb-galay xuska sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Qaran Somaliland sannadkii 1994-kii oo sannadka la xuso 2-da bisha February, taas lagu qabtay Kuliyada tababarka Saraakiisha ee Dardarweyne ee duleedka Koonfur-Bari Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu halkaasi gaadhay ugu horayn salaan madaxweyne ka qaatay ciidanka qaranka Somaliland, ka dibna uga sii gudbay dhinaca kuliyadda, isaga oo xadhiga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014 ka oo ay ka mid yihiin Furitaanka guri balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyada tababarka Dararweyne, kaas oo qaadaya 250 Sarkaal.

DSC_0160Ka hor munaasibadda lagu xusay 21-guurada aasaaskii ciidanka Qaranka, waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu xadhigga ka jaray hool weyn oo loogu talo galay inay 200 oo sarkaal ku cuntayn karaan kaasi oo ay u dhamaystirnaayeen guud ahaan qalabkii loogu talo galay, waxaanu mdaxweynuhu soo kormeeray guud ahaan Kuliyadda tabobarka ciidanka oo uu warbixin kaga dhegaystay Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale.

Munaasibadda loo qabtay Ciidanka Qaranka, waxa uu ugu horeyn ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, ayaa ku dheeraaday taariikhdii ciidanku soo maray, heerarkii iyo horumarkii kala duwanaa iyo marxaladda uu immika marayo.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo sheegay in ciidanka Qaranku yihiin cududda qaranimadu ku taagan tahay isla markaana ay xukuumad ahaan ku dedaali doonaan kor-u-qaadista iyo kobcinta tayadooda, qalabkooda iyo daryeelkooda.

DSC_0120Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad dhinacyo kala duwan ka jeediyey munaasibadda, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay xukuumad ahaan siinayaan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey kaalinta ay qaranka ugu jiraan. “Maanta oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhamaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray, “Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso. Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay,” ayuu yidhi Md Siilaanyo, isaga oo intaas ku daray, “Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.”

Madaxweynaha oo is-barbardhigayey miisaaniyadda Ciidanka Qaranka ee Wakhtigan iyo Miisaaniyaddii dawladda ee sannadkii 2010-ka, waxa uu yidhi, “Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.

DSC_0110Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.”

Md Axmed Siilaanyo oo dhiirri-gelinayey Ciidanka Qaranka, waxa uu yidhi, “Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah.”

Munaasibadda madaxweynuhu ka qayb-galay waxa ku lammaanaa munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada oo tabobarro loogu soo xidhay dugsiga Dararweyne, kuwaas oo isugu jiray Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda.

Sidoo kale, gobollada dalka qaarkood, ayaa lagu qabtay munaasibado lagu xusay sannad-guurada 21aad ee Ciidanka Qaranka, halkaas ay kaga qayb-galeen masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee dawladda, saraakiisha kala duwan iyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.