Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Cabdilaahi Obsi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Nuur ee Bariga Hargeysa ka dib markii lagaga tukaday Salaadda jinaasadda Masjidka Tabliiqiyiinta ee Hargeysa.

Waxaana Aaska Marxuumka ka soo qayb-galay haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhamaantood ka markhaati kacay shaqsiyadii wanaagsanayd ee uu lahaa marxuumku, taariikhdii iyo geesinimadii aanu la gaban jirin wakhtigii adkaa ee shacbiga Somaliland Soo Maray.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Aaska Qaran ee Marxuumka loo sameeyey